Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan iyo Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle Mudane Mohamed Xuseen Ceynte ayaa Degmada Aadan-Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka daah furay kulan is dhexgal Bulsho ah oo loqabanayo dhallinyarada Degmada
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Maamulka Degmada Aadanyabaal iyo mas’uulyiin kale oo ka socday Hay’adaha ka shaqeeya is-dhexgalka Bulshada
Dhallinyarada Degmada ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta Nabada iyo in Dowladooda garab istaagan, waxaana ay sido kale codsadeen in wax lagaqabto baahiyaha heesta dhallinyarada sida in ay helaan Garoomada kubada cagta iyo adeegyada kale ay u baahanyihiin
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in sabadal badan Degmada ka dhicidoono dhallinyarada ay helidoonan adeegyadii ay uga baahnaayen Dowlada.