Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta daah-furay Tababar loo qabtay 35 garsoore oo dhawaan loo qaatay Garsoorka Hirshabeelle. Tababarkan oo uu soo qaban-qaabiyey Mac-hadka Tobabarka Garsoorka dalka ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaaddida heerkooda aqooneed ee garsoorayaasha cusub. Tababarkani waxa uu socon doona muddo saddex toddobaad ah kuwaas oo ah oo ka bilaabmaysa maanta oo taariikhdu tahay 15/7/203 ilaa 03/08/2023.
Mudadaas sadexda todobaadka ah waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii Garsooreyaashan cusub looggu diyaarin lahaa la qabsiga shaqada cusub ee ay bilaabayaan, waxaa si gaar ah loogu tobabari doonaa mabaadiida guud ee Garsoorka dalka, gaar ahaan xeerarka muhiimka ah ee uu ku shaqeeyo, nidaamka dacwadaha, iyo weli ba hufnaanta shaqada iyo garsoorka dalka.
Guddoomiye Baashe oo halkaas ka hadlay, ayaa machadka tobabarka ee Garsoorka uga mahadceliyey qabanqaabada tobabarkan, waxaana uu Garsooreyaasha cusub kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan tobabarkan oo ah mid muhiim u ah shaqadooda isaga oo sidoo kale na u hoga tusaaleeyey mas’uuliyadda saaran ee loo baahan yahay inay qaadaan oo uu sheegay inay u cadaalad fali doonaan shacabka Hirshabeelle. Wuxu ku booriyey inay si Alle ka cabsi leh uga shaqeeyaan mas’uuliyadda loo igmaday.