Taariikhda : abwaanad maymuun xasan biyow .
Marwo: Maymuun Xassan Biyow Yerow Xaji Mahadow Cusman Cumar. waxa ey ku dhalatay Tuulada Raqayle Cumar Gudle oo 7 km k/Barri uga beegan Magaalada Jowhar, oo ah deegaan Beereed Barwaaqo ah, kuna dhalatay Sannadkii 1880kii. waxa ey ka dhalatay Qabiilka Shiidle, Jufada Sagale.
Waxay ka soo jeedaa qoys Suugaanta caan ku ahaa.
Aabaheed wuxuu ahaa Nin hantiile beeraley ahaa iyo Suugaan yahan, Sidoo kale waxaa suugan yahan ahaa Adeerkeed Maxamed Biyow oo lagu Naaneysi jiray ” Umuloow” .
Muuqaal ahaan, waxa ey aheyd Haweeney Dheer, dhuuban oo Midab Maariin ah leh. waxa ey ku labisan jirtay Dharka dhaqanka ee ” ilindiga”. ma aheyn qof cabsata waxay u safartay Dhamaan deegaanada la xiriiro sh/ dhexe iyo Koofurta Somaliya. Dhinaca Waqooyi waxa ey tagtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood.
Waxay dusha ka xafidsaneyd Qur’aanka, waxa lagu sheegaa in ey aheeyd Haweeneey Caqli badan.
Waxay guursatay markii ugu horeysay iyada oo 22 jir ah. Adan yarow waxay u dhashay Cambareey Aadan yarow. Guud ahaan Nolosheeda waxay dhashay 4 Haween ah iyo 2 Rag ah. Caruurteedii waa wada geeriyoodeen, waxaa u haray Gabadheedii Cambareey oo kaliya. Cambareey waxa ey sii dhashay Xaaji khaliif Caliyow oo mar Noqday Duqa Dowlada Hoose ee jowhar
Qaar ka mid ah suugaanteeda :
Suugaanteeda oo badan waxaa ka mid ah halmuceedyadan:
1.Musiibo minay ku soo maagto oo maslaxeey maagtid
Midka malakul meedka saaraan maaro loo helayn!
2. Kan waxaas kasaayo
Kanna waa kasaa
Ee kas iyo kas isdhaafaa
Lagu ka la fogaaday!
3. Markii ay sii dhimanaysay ayaa ay ku dardaarantay:
Aniga ayaantaan ayaanteed
Iftiin aalli maayo
Ee iriddii alaab taallo
Ibliis yaan la siinin!
4.Markii ay dhiman rabtay ayaa ay guumays gurigeeda agtiisa ku aragtay. Dhaqankii horana guumayska waa la baasaysan jiray oo geerida ayaa la la xiriirin jiray. Way la doodday oo waxay ku tiri:
Guumaysow geeridayda
Maxaa kaa soo galaayo
Genbar qaada maysidoo
Gabriir* ruugi mayside!
*Gabriir in ay DAANGO/SALOOL tahay baan u malaynayaa, ma se hubo.
5. Maymuunee wax lee yiraaho
Oo meel ka maanso sheego
Aniga iyo malakul meedka
Maa la isku kaynu miiray!
6.Masaar geed ma goyso
Geed kalaa ku daaban
Gaal manuu Islaan wadin
Na ma soo galeen!
7.Garoomeey garaar xiratay
Iyo galeey guudo keentay
Gargaarkooda ma dheera!
8.Ficil Cusmaan Cumar
Falow waa yaqaan
Laakiin far MAAL gashay waaye
La fadhiisa maayo!
9.Mar lagu yiri Waqooyi maad aaddid, waxay tiri:
Webi oo warramaynin
Aa waqooyi iska diidayee
Ani maxaa ii wadaayo!
10.Dilaaygii dilaay diloow
Dilaa kuu danbeeyo
Dad nool lee ku dilyaa
Ama dool yaxaas ku qaadyaa!
Waa qaaraan dadweynee...ku darsadaay!
--