waxaa imtixaanka daah furay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan
waxaa kulanka goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Hirshabelle Mudane Cabdullahi Maxamuud Gacal ayaa daah furay Imtixaanka Garsoorka Hirshabelle oo lagu qabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabelle Furitaanka imtixaanka waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan labada gole ee Hirshabelle
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in loo baahanyahay in Hirshabelle laga soo saaro garsoor tayadiisu sareyso si cadaalad ahna ugu adeega Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaa reer Hirshabelle
Gudoomiyaha ayaa bogaadiyey dhalinyarada maanta u fariisaneysa imtixaanka waxaana uu u rajeyey iney natiijo wanagsan keenan.