Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud, oo ka qeybgalay meertada 14-aad ee shirka IGAD, ayaa ka hadlay guulaha amni iyo siyaasadeed ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya iyo halganka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay si loo nabadeeyo dalka in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, oo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, lagana saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Waxa uu intaas ku daray inay nabad iyo nidaam dowladeed ay ku naaloonayaan degmooyin ay kooxdu cadaadis ku haysay muddo 15-sano ah.