Duqa Magaalada Jowhar Mudane Mohamud Hassan Bariise ayaa maanta kulan Miro-dhal ah laqaatay madaxa arrimaha bulshada ee ATMIS LT Col. Bade NcamurIrwd Representative of CIMIC in 15 Burundi Contingents Sector 5
Duqa Magaalada Jowhar ayaa Taliyaha uga Mahadceliyay, garab istaagga iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Hirshabelle.
Duqa Magaalada Jowhar iyo Taliye ayaa Kulanka ugu wada hadlay sida ay Ciidamada ATMIS qeybta Sector 5, Duqa Magaalada Jowhar ugala shaqeyn karaan arrimaha horumarinta bulshada, wacyigelinta, iyo amniga Magaalada Jowhar.
dhankiisa LT Col. Bade NcamurIrwd ayaa balan qaaday inuu kala shaqeyn doono Duqa Magaalada Jowhar, arrimaha horumarinta bulshada iyo amniga Magaalada uuna ku faraxsanyahay in ay wada shaqeyn dhexmarto Xafiiska Cimic ee ATMIS Sector 5 iyo Xafiiska Duqa Magaalada Jowhar.