Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday Hay'adda (Save the children),waxaana Wafdigaan hogaaminaayey Cabdiladiif Maxamed oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgalada ee hay'adda Save The Children Waxaana kulanka ku wehlisay
Francesca Sangiorgi Agaasimaha Humanitarianka ee SAVE The Children,
Kulanka ayaa looga hadlay in Save the children hay’ada SoDMA ka caawiso in Qorsho loo sameeyo Fatahaado laga cabsiqabo in ay ka dhacdo qeybo kamid ah dalka,ka qey qadashada qorsha istaraatijiyada 5-ta sano ee soo socta ee hay'adda maareynta musiboyinka,Dardargalinta mashaariicda iyo xiriirka labada Hay’addood,waxaana kulanka kadib kormereen xubnahaan qeybo kamid ah xafiisyada Hay'adda Maareynta Musiiboyinka.