Jowhar/horseed Jowhar/horseed Jowhar/jowhar Jowhar/horseed
Magalada jowhar oo ah magaalo madaxda gobalka sh/dhexe ahana caasimada dowlad gobaledka hirshabeeele waxaa ka shaqeeya gaadiid fara badan waxaase si fiican loo adeegsadaa gudaha magalada jowhar mootada loo yaqaan mooto Bajajka
Magaalada waxaa ka shaqeeya in kabadan 1800 oo xabo waxaana isticmaala dhamaan dadka magaalada
Waxaa kaloo isticmaala maamuulka
Iyo askarta cid walba oo ku dhaqan magaalada jowhar
Joowhar waxa uu ka koobanyahay afar xaafadood oo kala ah 1=) HANTI WADAAG
2=) KULMIS 3=) HORSEED 4=) BUULO SHIKH
Afarta xaafood waxaa kala qeybiyo Wabiga shabeele oo mara magaalada dhexdeeda mootada bajaajka waxaa kaloo looga shaqeyaa ilaa dhowr tuulo oo hoos timaada magalada jowhar mararka qaar waxay kaloo gaaran ilaa degmooyin kale oo ka tirtan gobalka sh/dhexe .
Moota bajajka waa gaadidka ugu fudud oo ay bulshada adeegsadaan waxaa loo ijaarta dhowr qeeybood oo kala ah
In uu bosteejo joogo oo uu ilaa inta ay qaado uu qaado kadibna lacag dhan 6kun shilin somaali ah qofkiiba dhiibo kadib lageeyo suuqa uu rabo labada dhinac ay ka koobantahay magaalada
Waxaa kaloo jirta in qof jooga gurigiisa uu soo dalbado/wacdo kadib uu kaligiis laqaado lageeyo halka uu rabo oo kamid ah magaalada suug/xaafad. Kadib uu iska dhiibo ijaarka oo ah inta badan ah 1$ (one dollar) .
Waxaa kaloo si fiican u adeegsado dadka beeraleyda ah waayo magaalada jowhar waxa uu caan ku yahay dhul beeredka .
Moota Bajajka waa gaadiidka ugu fudud ee la adeegsado/isticmaalo .
Mooto bajajka maamulka degmada jowhar waxa uu ka qaadaa canshuur bile ah oo bishii laga qaado oo dhan 6$ (six dollar) .
Inta badan moota bajaka waxaa ku shaqeeya dhalinyarada sidoo kale ilaa sadax dumar ah ayaa ayagana ku shaqeysta halka waayelo dhowr ah ay ku shaqeyaan .
Mooto bajajka waxa uu noqday mashruuca ugu fiican ee shaqo abuur ee hirgalay 8kii sano ee lasoo dhafay .
Waxaa qoray ismacil geedi