Magaaloyin kuyaal bariga gobolka Hiiraan ee laga saaray al-shabaab 9 bilood kahor ayaan wali laga hirgalin adeegyada dawladdu bixiso sida amniga, maxkamadaha, caafimaadka iyo waxbarashada.
Teedaan marxalado badan ayay soo martay iyo dagaallo iyo dhibaato laakiin hadda xagga amniga aad ayuu u wanaagsan yahay,” ayuu yiri gudoomiye Gabaxeey Axmed Nuur.
Odayaasha deegaanka oo kaashanaya maleeshiyooyinka macawisleyda loo yaqaanno ee dagaalka kala hor yimid al-Shabaab ayaa nidaam maxalli ah u sameeyay magaalada, iyagoo ka shaqeeya aminga iyo xal u helidda murannada dhex mara dadka deegaanka kuwada nool.
Teedaan waxay qiyaastii 65 km galbeed uga beegan tahay degmada Maxaas. Guddoomiyaha magaaladaasi Gabaxeey Axmed Nuur ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan uga warramay sida Teedaan loogu nool yahay dowlad la’aan.