Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan oo uu wehliyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Jowhar ayaa kormeer ku tagay Tuulooyinka Balcaano oo ka kooban 72 Tuulo oo ay saameysay fatahaadaha wabiga Shabellaha
Kormeer Gudoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa Hay’adaha ka shaqeeya arimaha Gargaarka sida WFP iyo UN OCHA
Fatahaada wabiga Shabelle ee mara Bartamaha Magaalada Jowhar ayaa saameeyey dadka ku nool wabiga jiinkiisa iyo sido kale dhul beereed ka badan 50kun oo Hekter
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in dadkan ay u baahanyihiin in lala so gaaro gurmad deg deg ah waxaana uu ugu baaqay hay’adaha ka howgala Gobolka iney ka qeyb qaatan samatabixinta Bulshada ay saameysay fatahaadaha wabiga Shabelle