𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐠 𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 (𝐖𝐇𝐎) 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐞𝐲𝐛𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧, 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.
Kusimaha Agaasimaha ahna agaasimaha Waaxda Qalanka iyo Daawada Dr. Maxamed Maxamuud Cadow ayaa kusoo dhaweeyey Xarumaha ay booqdeen wafdiga uu hogaaminaayo Agaasimaaha Gurmadka deg degga ah ee Xafiis Goboleedka Hay’adda Caafimaadka Adduunk (WHO) Dr. Richard Brenann, iyo Madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka xafiiska Soomaaliya.
Wafdiga ayaa u kuur galey Shaqada Isbitaalka Martiini uu u qabto bulsho waynta Soomaaliyeed, iyo caqaddaha heysta, waxayna warbixin kooban oo ku saabsan habsami u socoda shaqadda Isbitaalka caqaddaha iyo culeysyadda heesto ka dhageysteen Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Jalaaludiim Yuusuf Axmed oo sharaxaad guud ka bixiyey howlaha Isbitaalka.
Sidoo kale Wafdiga ayaa booqday sheybaarka Qaranka waxaana si furan looga warbixiyey shaqooyinka uu qabto ee ay ugu horeyso xaqiijinta cuduradda faafa iyadoo ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka qeyb weyn ka qaadatay kor u qaadista tayadda shaqaalaha ka shaqeeya iyo agabka lagu shaqeeyo ee Shaybaarka.
Wafdiga waxay ku soo gabagabeeyeen booqashadooda Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) iyadoo warbixin kooban laga siiyey howlaha uu qabto Machadka sida Cilmi Baarista, Tabaradda iyo Xarunta Howlgaladda gurmad ka deg degga ee Caafimaadka Guud.