Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday xarunta kooxda kubada cagta Minishiibiyo (MCC) ee degmada Warta Nabadda halkaas oo uu kula kulmay maamulka iyo ciyaartoyda kooxda, waxa uuna ka dhageestay xaalada guud ee kooxda MCC iyo baahiyaha taagan ee u baahan in la xaliyo.
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Maxamud Warsame (Xaabseey) iyo Guddoomiyaha kooxda kubada Cagta Minishiibiyo Macalin Abuukar ayaa duqa Magaalada Muqdisho u sheegay in dhismooyin sharcidara laga dhistay qeyba kamid ah dhulkii kooxda Minishiibiyo islamarkaana aysan kooxdu ka maarmin dhulka.