GUDDOOMIYE SHIIKH AADAN MADOOBE OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADI AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA AH
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 4-aad ee aan caadiga aheyn, ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ay yeeshaan, waxaana goob joog ahaa labada ku-xigeen iyo xubnaha Guddiga.
Kulanka Guddiga Joogtada ayaa maanta looga hadlay heshiiskii ay gaareen Madasha Wada-tashiga Qaranka oo ay xukuumadda usoo gudbisay Guddoonka labada aqal ee BJFS.
Dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxaa la isku raacay in lagu wareejiyo Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan uguna dhigaan siiqad dastuur ka dibna ay horkeenaan fadhigga Golaha.