Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa tababar la xariira Primary Eye Care u daah furtay illaa 30 xirfadlayaal Caafimaad oo isugu jira dhakhaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad.
Ujeedka tababarkan ayaa ah in loo tababaro sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dedaalka loogu jiro la dagaallanka indho beelka iyo ka hortaga.
Tababarkan waxaa gacan wayn ka gaysanaya Hay'adaha kala aha Human Appeal iyo Islamic Development Bank oo Wasaaradda Caafimaadka kala shaqeeya arimaha daryeelka indhaha iyo dadaalka loogu jiro la dagaallanka indho-beelka iyo ka hortaga (Allied to fight avoidable blindness "AFAP").
Tababarkan ayaan soocon doona illa 20ka Bishan July 2023. Waxaa isbuuca xiga, sidaas si lamid ah la tababari doono 30 xirfadlayaal caafimaad oo 4 kamid ah ay ka imanayaan maamul goboleedyada Jubbaland iyo Southwest.