Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene) oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Ilyas M. Dawaleh.
Labada dhinac ayaa isweydaarsaday waayo-aragnimada daddaalka loogu jiro sidii loo gaari lahaa horumar dhaqan-dhaqaale kaasoo ugu danbeyntii horseedi kara xal kama danbeys ah, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku qotoma walaaltinimo iyo wax wada-qabsi.
Wasiir Maxamuud Beenebeene ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Dalka Jabuuti, Mudane Ilyas M. Dawaleh soo dhaweynta uu u fidiyay asaga iyo wafdigiisa.