Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta usoo gabagabeesay xirfadlayaal Caafimaad tababar la xariira Daryeelka Aas-aasiga ah ee Indhaha (Primary Eye Care), kuwaas oo gaaraya 60 xirfadlayaal oo qaar ka mida ka yimaadeen maamul goboleedyada Jubbalanad iyo Southwest.
Tababarkaan oo socday muddo 2 Isbuuc ah, ayaa waxaa kasoo qaybgalayaasha lagu baray Caafimaadka guud ee indhaha, in si dhaqso ah loo ogaado cudurrada ku dhaca indhaha, iyo sida ugu haboon ee lagu maarayn karo xaaldaha ku dhaca indhaha. Tababarkan ayaa qayb ka ah Ol-olaha Isbahaysiga ka hortagga indho la’aanta laga hortagi karo (Alliance to fight avoidable blindness).
Madaxa qaybta indhaha ee wasaaradda Caafimaadka Abdirahman Abdullahi Sheikh Adam ayaa soo xiray tababarkaan heerka sara ah Waxaana Wasaaradda Caafimaadka ka caawiyay tababarkan Islamic Development Bank iyo Hay’adda Human Appeal.
Dhanka kale, waxaa isna Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ka socda ol-olaha daawaynta iyo qalliinka caadka ee Indhaha oo bilaash ah , taas oo loogu talo galay in ay ka faa’ideystaan bulsha waynta Soomaaliyeed ee ku nool magalaad Muqdisho.
Qalliinka waxaa fulinaya Dhaqaatiir ku takhasustay daawaynta iyo qalliimada Indhaha, gaar ahaan caadka daboola aragga Indhaha.