Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iman Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
Shirka ayaa ahaa mid ku qabsoomay hab fogaan arag ah waxaana diiradda lagu saaray xaaladda uu marayo hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda iyo higsiyada Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Barnaamijka deyn-cafinta.