Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Gedo ayaa maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmada luuq ee Gobolka Gedo.
Kulanka waxaa ka qeybgalay masuuliyiinta heerarka kala duwan ee maamulka iyo bulshada deegaanka waxaana lagaga hadlayay wada shaqaynta bulshada iyo Dowladda ee dhinacyada nabadgalyada, hormarka iyo dib u heshiisinta.