Gudoomiyaha Maamulka Degmada Jowhar Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey iyo kusimaha gudomiyaha gobolka sh/dhexe ayaa Agab Sorts ku wareejiy Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Degmada Jowhar iyo masuuliyiinta Sportiga.
Qalabkan ayaa loogu talagalay in lagu dhiirigeliyo Ciyaaryahanada 17 Sano Jirada kaas oo Jowhar uu uga Furmayo Koob Kubada Cagta ah.
Maamulka Degmada Jowhàr Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa arintan iska saaray Masuuliyad gooni ah waxaana uu la kaashaday Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Hirshabelle waxaana maalgalineysa hey'ada USAID.
Mudoyiinkii dambe Gudoomiyaha Degmada Jowhar Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar ayaa xooga Saarayay sidii dhalinyarada ay usameyn lahaayeen is dhexgal bulsho.
Cabdulllahi Sey oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Degmada Jowhar ayaa ku Amaanay Gudoomiyaha Degmada Jowhar doorkiisa ku aadan ka shaqeynta Barnaamijyada la xiriira Sportiga.