Kulanka U yeedhista Wasiirka Tamarta iyo Biyaha ee JFS.
Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha shacabka ayaa maanta xafiiska Guddiga ugu yeedhay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha JFS Xil. Jama Taqal Abbas oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in wasiirka su’aalo laga waydiiyo shaqada uu qaranka u hayo sida uu farayo Dastuurka iyo Xeerhoosaadkuba, Isla markaana Guddigu u guto waajibaadkiisa ka saaran Isla-xisaabtanka iyo Korjoogteynta.
Guddoomiyaha Guddiga Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad), oo shirka guddoominayay ayaa uga mahadnaqay wasiirka soo ajiibidda shirka, sidoo kalena ku wargeliyey wasiirka in kulammada kan ku xigaa ay noqon doonaan kulammo u furan dadweynaha oo media-ha lagu martiqaadi doono.
Xildhibaannada guddiga ayaa wasiirka waydiiyey su’aalo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen; hannaanka loo maray soo magaabistii Guddiga Hay’adda Korontada Qaranka, mashaariicda kala duwan ee ay wasaarraddu maamusho. Wasiirka ayaa shirka ka sheegay, wixii wasaaradda u qabsoomay intii uu joogay, sidoo kalena ka jawaabay su’aalihii la waydiiyey.
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday in la joogteeyo Isla-xisaabtanka isla markaana waxa loo ballamay kulan kale.
Dhamaad