Codsi ayay Dhallinyarada Hirshabelle kusoo gudbisteen Barnaamijka Hiigsi Competition oo ay fulinayso Hay’adda BINAA Soomaaliya oo markii ugu horaysay ay Wasaaradda Dhalinyradda iyo Ciyaaraha Hirshabelle ay ka wada shaqaynayaan Sidii fursado Maalingelin loogu samayn lahaa Dhallinyarada Hal abuurka leh ee Dowladda Hirshabelle, waxaana kusoo baxay 33 Hal abuure.
Wasaaradda dhallinyaradu waxay bogaadinaysaa 33 qof ee kusoo baxay liiska gaaban (Shortlist-ga) Iyadoo u rajaynaysa inay guul ka gaaraan inta u hartay qorsheyaashooda ganacsiga.
Wasaaraddu waxay caawinaad iyo la-talin joogta ah u samayn doontaa 33 qof ee kusoo baxay Shortlist-ga si ay guul uga gaaraan Hal Abuurkooda Ganacsi.
Mashruuca Hiigsi Competition waxaa Maalgalinaya Hay’adda Spark SOMALIA iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Netherlands iyadoo ay Soomaaliyana masuul uga tahay Hay’adda BINAA SOMALIA.
Ugu dambeyn wasaaradda Dhallinayrada iyo Ciyaaraha Hirshabelle waxay ku boorineysaa guuleystayaasha iney dadaalkooda halkaas kasii wadaan oo ay hirgeliyaan Hal Abuurkooda ganacsi si bulshada Hirshabella Horumar loo gaarsiiyo.