Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan oo uu wehliyo Madaxweynihii hore ee Dowladii kumeel gaarka aheed ee Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Baarlamanka DFS Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan kula qaatay Deegaanka Xaaji Cali Odoyaasha dhaqanka ee Degma Cadalle iyo Deegaanada Hoosyimaada
Kulanka ayaa ku saabsana sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan Deegaanada iyo Tuulooyinka hoos taga Degmooyinka Cadalle iyo Ragacelle
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Gudi ka kooban heer wasiiro oo ka socday Dowlada Hirshabelle oo dhawaan Madaxweynaha Hirshabelle u xilsaaray xalinta dagaalkaasi,sido kale kulanka waxaa qeyb ka ah Imaam Daahir Imaam Mohamud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas
Odoyaasha Dhaqanka Beesha Cabdalle Caroone ayaana sheegay iney qaateen xabad joojinta ay ku dhawaaqeen gudiga ka shaqeynaya xal u helida dagaal beeleedyada so laalaabtay ee ka taagan Degmooyinka Cadalle iyo Raagacelle.