Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa bilaabay inuu hoos u dhaco iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 (22) iyo 2670 (22) ee faraya ATMIS inay soo saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023 .
ATMIS oo ay taageerto Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Xaruntii ugu horeysay ee Horudhac (FOB) oo ku taalla deegaanka Xaaji Cali ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
FOB waxay hoos imanaysay Aagga Mas'uuliyadda (AOR) ee ATMIS Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF).
Taliyaha ATMIS BNDF 2nd Battle Group ee Xaaji Cali, Lt. Col. Richard Bimenyimana, ayaa si rasmi ah xaruntan ugu wareejiyay taliyaha ciidanka XDS ee aaggaas, Sarreeye Bashiir Abuukar Axmed.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiil sar sare oo ka kala socday ATMIS iyo SNA, waxaana guddoominayay taliyaha ciidamada ATMIS ee dhanka saadka Lt Col. Collins Musau.
“Sanadihii lasoo dhaafay, waxaan si dhow ula shaqeynay ciidanka XDS, waxaana iskaashigani uu si weyn uga qeyb qaatay horumarinta xasilloonida iyo amniga deegaanka.
Xil wareejinta maanta waxay qayb ka tahay wareejinta mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Lt. Col. Musau. Taliyaha XDS ee Xaaji Cali, Maj.
Bashiir, ayaa uga mahadceliyey ATMIS xaruntan. Sidoo kale waxa uu xusay in xil wareejinta ay ka dambeysay xiriir wada shaqayneed oo dhex mara ATMIS iyo ciidamada XDS.
"Waxaan had iyo jeer xiriir wanaagsan la lahayn ATMIS inta ay halkan ka shaqeynayaan.
Hadda oo ay xilka ku wareejinayaan sidii loo igmaday, waan ku faraxsanahay inaan la wareegno mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Sarreeye Bashiir.
Taliyaha ATMIS BNDF ee Xaaji Cali FOB, Lt. Col. Richard Bimenyimana, ayaa dhammaan xasuusiyay in xil wareejintu ay tahay mid fulinaysa waajibaadka ATMIS.
"Waa tallaabo muhiim ah maanta oo ay qaaday ATMIS, ka dib booqashadii hore ee qiimeynta ay FOB-yada ku tageen kooxaha Hoggaanka Sare ee ATMIS, SNA iyo UNSOS," ayuu yiri Lt. Col. Bimenyimana.
Iyada oo qayb ka ah wareejinta, UNSOS oo bixisa taageerada saadka ee ATMIS, waxay ka tagtay ceel riig ah, qalabka lagu daweeyo biyaha iyo kaydinta, koronto-dhaliyeyaasha, baalayaasha cadceedda, qalabka qaybinta korontada ee xidhiidhsan, talaajado, iyo qaboojiyayaal.
Xaaji Cali waxay ku taal 70km waqooyi-bari Muqdisho.
Waa qeyb ka mid ah 7 FOB oo ATMIS lagu wareejinayo Ciidanka XDS dhamaadka bisha June 2023.
Bishii Janaayo, ATMIS ayaa Maslax FOB ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.