Waxaa maanta ka qabsoomay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Shir looga tashanayay Sidii loo samayn lahaa Istaraatiijiyada Hagidda Qaliimada, Suxdinta iyo Dhalmada
Shirkan waxaa soo agaasimay Waaxda Daawaynta qalabka, iyo Xarumaha Caafimaadka ee Wasaarada Caafimadka, qaybteeda Adeega Qaliimada. Shirkan waxaa kasoo qayb galay agaasimaha Waaxda Daawaynta qalabka, iyo Xarumaha Caafimaadka Mudane Maxamad Maxamuud Cadoow, Agaasimaha Waaxda siyaasada iyo qorsheynta Mudane Cabdifataax Axmad Maxamad, Ururka mihnad layaasha Caafimadka qaranka, Ururka dhakhatirta Somaliyeed, Ururka dhakhaatiirta qalimada Somaliyeed, Ururka suuxiyaasha, ururka Kalkaaliyasha Somaliyeed, Ururka Qaliimada lafaha, Madax ka gala socotay Isbitaalada dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Ujeedada shirkaan ayaa ahayd in la ururiyo ra'yi-celinta iyo fikradaha laga helo dhinacyada ay khusayso Sameynta Istaraatiijiyada horumarinta adeegyada Daryeelka Qalliinka dalka. Hormarinta Adeega Qalliinka dalla waxay lama huraan u yihiin hagaajinta daryeelka qalliinka, Hooyada, iyo suuxdinta ee dalka. sidoo kale Qorshayaasha shirkaan ayaa ah in la ogaado daldaloolada ku jira nidaamka daryeelka Qalliinka iyo horumarinta xeeladaha wax looga qabanayo.