Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine aya manta magaalada Nairobi kula kulmay Agaasimaha Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika, Sarreeye Guuto Paul Kahuria Njema. Waxay ka wada hadleen horumarka ay AMISOM iyo ATMIS sameeyen, xaaladda amaanka ee Soomaaliya iyo tan Gobolka iyo xoojinta xiriirka ATMIS iyo Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika. Sarreeye Guuto Paul ayaa horay labo mar u soo noqday Taliye-Qaybeed AMISOM.
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS
By -
June 19, 2023
0
Tags: