Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa u ambabaxay waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu kusoo gudan doono waajibaadka Xajka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryay in dhibaatooyinka ragaadiyey dowladnimadooda uu ka dulqaado, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la is cafiyo oo laga wada shaqeeyo horumarka dalka.