Waxaan tacsi u dirayaa ehellada dadkii maanta ku dhintay dagaalka Garoowe ka dhacay, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo. Waayaha siyaasadeed ee Soomaalida waa isku wada muuqaal egyihiin, sababtunna waa in aan lagu waano qaadan waxa ina soo mara.
Labada dhinac ee maanta Garoowe ku diriray midkoodna ma guulaysan, sababtoo ah ciidan dagaalamay isma hayaan ee siyaasiyiin aan Garawe iska rari karin ayaa is haya, oo weliba shalay xukunka shirko ku ahaa.
Waa hubaal in uusan xal aan wada-hadal ahayn ku dhammaan doonin is mari waaga taagan.
Caqliga ha laga adkeysiiyo caadhifada, inta ay weli af la qabto leedahay ha la qabto, weliba saaxibkey Deni, waxaan leeyahay geesi waa ruuxa damaciisa ka adakaada ee ma aha kan nacabkiisa jebiya. Waa kan ay u kala baxsan yihiin guusha goobta-dagaalka (battle) iyo libinta dagaalka (war) oo ah ah xaqiijinta hadafka dagaalka. Eeduna mar walba ninka xilka haya ayey saaran tahay.