Qaar kamid ah Murashaxiintii xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baaq kasoo saaray dagaaladii maanta ka dhacay Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Madaxweyne hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Raysal Wasaare hore, Xildhibaan Golaha Shacabka iyo siyaasiyiin kale ayaa soo saaray baaqaan, waxayna ku taliyeen in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Puntland.