Madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya .
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Wasiirrada Waxbarashada Maamul goboleedyada, Agaaasime-yaasha Guud, Agaasime waaxeedyada wasaaradaha waxbarashada iyo howl wadeennada waxbarashada qeybahooda kala duwan.
Shirka ayaa looga arrinsanayaa xaaladda waxbarashada dalka, qorshaha mustaqbalka waxbarashada, daadajinta adeegyada wasaaradda iyo wadashaqaynta Wasaaradaha waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad