W/Q ISMACIL GEDI XASAN |
Jowhar ayaa ka hor bur-burkii dalka ku dhacay ahayd magaalo nabada ku caan aheyd oo dadku waxeey ahaayeen kuwo ku mashquulsan meheradahooda ganacsi iyo shaqooyinkooda kale magaaladu waxaa soo maray maamulo kala gedisan oo xukuumadihii dalka soo maray ay usoo magacaabi jireen in ay ka arimiyaan degmada jowhar .
Jowhar iyo bur-burkii dalka:
Markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee soomaaliyeed ayaa dalka waxaa soo wajahay marxalado kala gedisan oo isugu jira dagaalo , dhac , dil , kufsi , xad gudub loo geeystay dalka iyo dadka jowhar intaa aan kor kusoo xusay iyo in kale oo farabadanba weey ka dhaceen mudadii ugu xumeyd ee reer jowhar soo marta waxeey aheyd 90aadkii oo fajac , dhib , cabsi ,murug , baahi , cadceed iyo dhibaatooyin kaleba ay arkeen balse jowhar weey ka yara rooneed marka loo eego degmooyinka kale ee soomaaliya sida Xamar , Beydhabo iyo Beledweyne oo jowhar aad uga duwanaa xaga amaanka mudadaas .
Jowhar iyo maamulkii Maxamed dheere:
16 kii june 2001 ayey aheyd markii uu kolonyo ciidan ah oo uu wato maxamed dheere ay soo galeen degmada jowhar si nabad ahna ay kula wareegeen degmada iyadoo aan wax dhiig ah ku daadan jowhar dhexdeeda kadib si tar-tiib ah ayay nabadii gobalka shabeelaha dhexe ay ku soo celiyeen ayadoo ay jireen qaladaad faro badan iyo gabood falo ka dhacay degmada hadana nabada ay heysteen dadka ku dhaqan jowhar ayaa ka weyneed waxyaabaha ka dhacayey degmada .
Jowhar ayaa waxa ay ka amaan badneyd gobala koonfureed ee soomaaliya nabadaana waxaa ku amaanan dadka daacada ah ee ku dhaqan degmada jowhar inkastoo nabadaana ay aheyd mid ay dadku ku darteed u bixinayeen canshuur xad dhaaf ah oo laga qaadayay goobaha ganacsiga iyo guryaha ku yaalo degmada taa oo dadka aysan awoodi Karin waxaa kale oo xusid mudan in jowhar ay caasimad ku meel gaar ah u noqotay dowladii ay hogaaminayeen c/laahi yuusuf iyo cali max’ed geedi
Jowhar iyo maxaakiimta islaamiga
Maxkamadaha ayaa jowhar kula wareegay dagaal daqiiqado socday dabadeedna gudaha usoo galay jowhar iyaga oo ku dhawaaqaya takbiirta ’ Alaahu akbar ’ inkastoo ay la wareegeen degmada hadana wax badan oo la taaban karo kuma soo kordhinin jowhar oo dadka reer jowhar waxeey horay u heeysteen nabad iyo barwaaaqo balse maxkamaduhu ayaa inyar ka dib bilaabay seef la boodnimo iyo awaamiir ay soo rogeen oo ay ka mid ahaayeen bandoow ay degmadu ku jirtay habeenki iyo tacshiirin dad dembiyo lagu soo oogay oo aan marqaatiyayaal dhab ah loo heeynin waxaa kaloo in la xuso mudan in idaacada jowhar oo ah idaacada kaliya ee gobalka ka jirta loo diiday muusiga iyo heesaha sidoo kale waxey dhalinyarada ku amreen in surwaal kubada lagu ciyaaro iyo awaamiiro kale waxaa sidoo kale socotay canshuuro la mid ahaa kuwii maamulkii Maxamad dheere ?
Jowhar iyo duulaankii xabashida:
28dii December ayey maxkamadaha firaaqeeyeen degmada jowhar waxaana jowhar la wareegay maamulkii maxamed dheere iyo ciidankii xabashida kadib markii masuuliyad darada maxkamadaha ay kusoo jabeen dagaal aan laga fiirsan ay la galeen dowlada itoobiya oo cadaw soo jireen ah jowhar ayaa waxaa laga soo dhaweeyay ciidankii itoobiya iyo maamulka maxamed dheere ka dib jowhar waxeey horay u sii wadatay recordkii nabada ee gobalada soomaaliya .
Jowhar iyo mustaqbalka:
Mustaqbalka degmada jowhar Eebe ka sokoow waxa uu ku xeran yahay dadka ku dhaqan degmada jowhar . waxaa jira caqabado hortaagan horumar laga gaaro xaga waxbarashada iyo xaga dhaqaalaha oo degmada ay aad ugu liidato balse waxaa hubanti ah hadii gacmaha la is qabsado in horumar laga gaari karo
Dhanka Waxbarashada:
xaga wax barasha degmada jowhar malahan hami hormirineed oo ku aadan hormarka laga gaaro wax barashada balse maanta sidii hore waa ay ka roontahay oo waxaa jiro ififaalo dhanka wax barashada laga dareemaayo
Jowhar ayaan waxaan u rajeeynayaa in 5ta sano ee soo socoto ay gaarto horumar la taaban karo oo xaga waxbarashada ah iyadoo dadka inta badan ay fahmayaan waxtarka ay waxbarashada leedayahay waxaana jira ifafaale ah in degmada ay ku talaabsan karto horumar xaga waxbarashada ah haduu ilaah yiraahdo .
mahadsanidiin sidaan uga soo warama deeganada dhamaan
ReplyDelete