Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargaysa, ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha shaqo ee hortabinta u leh Baarlamaanka 11-aad.
Sidoo kale guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa isla gartay in ay si wadajir ah u wajahaan kalfadhiga saddexaad sharciyada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah Qaranka, sida dhammasytirka wax ka bedelka dastuurka, ka howlgelidda heshiisyadii ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran.