Kulan ay dhawaan iskugu imaadeen Magaalada Muqdisho dhamaan Gudoomiyayaasha Xiriirada Kubada cagta dalka ,Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo qaar ka tirsan Wasiirada wasaaraddaha dhalinyarada iyo ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa lagu go’aamiyay taariikhda uu bilaaban doono Tartanka Ciyaaraha kubada cagta Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaasoo lagu beegay in uu bilaawan doonaa Maalin Jimco ah 08-09-2023 .
Intaas inta laga gaarayana ay si fiican u sii diyaar garoobaan Ciyaartooyda iyo maamulka ka qayb gali doona tartankaas.