Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta jubaland ayaa howlgal balaaran ka fuliyey deegaano u dhexeeya Janaay cabdalle iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose
Howlgalkaan qorshaysan ayay ciidamadu ka fuliyeen Tuulooyinka kala Harboole, Miido, iyo Biibi iyadoo khawaarijta lagu gaarsiiyey khasaaro xoog leh
Ciidamada ayaa cagta mariyey goobo ay dadka ku dhacayeen Maleeshiyaadka khawaarijta Al-shabaab kuna qaadanayeen lacago baad ah,ciidamada is garabsanayey ayaa suura galiyey inay fasaxaan dadkii safar ahaan oo Khawaarijtu haystay kuwaas oo safarkoodii sii watay