MADAXWEYNAHA OO KA QEYBGALAY DABAALDEGA SANAD GUURADA 25-AAD EE AASAASKII PUNTLAND
Garoowe: 01 August 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qayb-qaatay dabaaldega Xuska Sanad Guurada 25-aad ee kasoo wareegatay aasaaskii Dowladda Puntland 1-dii August 1998.
Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada, waxaana kala qeybgalay munaasabadda Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland , Goleyaasha Dowladda iyo marti sharaf kale .