Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa caawa degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku qabatay kulan ay isugu timid bulshada degmadaas, waxaana kulankaas ka qeyb galay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Galmudug Axmed Cismaan Aadan, guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmed Qoodaar, masuuliyiinta maamulka degmada, sarakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Galmudug Axmed Qooje oo ka hadlay kulanka dadweyne ee caawa lagu qabtay degmada Xarardheere ayaa bulshada degmadaas uga mahad-celiyay sida ay uga midaysan yihiin ka shaqeynta hormarkooda, wuxuuna ku booriyay inay xoogga saaraan ka shaqeyna nabadda Xarardheere iyo is dhex-galka oo muhiim u ah bulshada deegaanka.