Kulan ay soo qaban qaabisay safaarada Shiinaha ay ku leedahay Muqdisho kaasoo lagu amba bixinaayay ciyaartooy orodyahano ah oo ka qayb galaya tartamada Jaamcadaha Aduunka oo China ka dhacaaya ayaana waxaa Jaamcadaha Soomaaliya u matalaayay 3 Ciyaartooy oo ku orodi doona sadex Jaamcadood Magacyadooda kuwaas oo meelo kala duwan ka kala safraaya.
Safiirka Safaarada Shiinaha ,Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo masuuliyiin kale ayaa Muqdisho ka sagootiyay Nasra Abuukar Cali oo ka mid ah Ciyaartoyda orodka waxaana u rajaynaynaa Guul inay u soo hooyaan Magaca Soomaaliya .