Tababar heerkiisu sareeyo ayaa lagu qabtay hoolka tababarada Isbitaalka Demartino ee muqdisho.
Wasaarada Caafimaadka Dowlada Federaalka gaar ahaan qaybta tababarada iyo internship ayaa tababarkaan soo abaabushay sidoo kalana fulisay oo ay ka faaideesteen 100 ka mid ah howlwadeenada Caafimaadka magaalada muqdisho
Xanuunka dhiig karka ee ku dhaca hooyada uurka leh iyo sida loo maareeyo ayuu ahaa cinwaanka tababakaan oo uu waqtigiisa qaaliga ah inoo soo huray Dr Abdikariim Ahmed Mohamed.
Dr Abdirzak Ahmed waayeel ayaan uga mahadcelinaynaa hirgalinta tababarkaan iyo dadaalada qiimaha badan ee uu ugu jiro sare u qaadida iyo kobcinta aqoonta iyo xirfada shaqaalaha caafimaadka
Sidoo kale Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Dr Abdirahiim Omar Amin iyo madaxa waxbarashada iyo tababarada isbitaalka Dr Hamdi Abdirahmaan ayaan iyagana ku bogaadinaynaa hirgalinta , ka shaqaynta iyo dalaalada aqoon kororsi oo ay ku bixiyaan tayaynta shaqada iyo shaqaalaha isbitaalka Demartino