HA LA KALA XISHOODO!
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa; "Halmaan hadal kuma jiro".
Waxaa kale oo ay tiraahdaa; "Nimey habari dhashay hal ma seegi waayo".
Hadal aadan u socon inuu carrabku kaa dafo ama mid aad dhihi lahayd uu kugu hadho ama aad si kale u dhahday waa dabiici, waxaana aad u garan og dadka bulshada la hadla sida mcallimiinta, madaxda, warbaahinta iyo culamaa'uddiinka.
Hadalka R/Wasaaraha ee dadka qaar ay jeejsjeeska ka dhigteen ma fahmi waayeen dulucda hadalka iyo halka biya-dhaciisu yahay?
Taa haddey fahmi waayeen ma garan waayeen in waxa uu R/Wasaaruhu ka hadlayay uu ahaa sidii lagu adkayn lahaa amniga dalka, si dadkeennu ay uga badbaadaan in maalaa-yacni lagu laayo, kadibna dhagarqabayaashii la fakiyo ama la qariyo?
Dhaqanka lagula kacayo R/W mucaaradnimo iyo maskax-fiyoobaan midna ma ahan ee maangaabni heerkeedu hooseeyo.
Iyadoo jeesjeesku uu yahay jaahilnimo ayaa hadana haddii uu gaaro wiirsasho waxaa jaahilnimada kusoo kordha damiir-xumo.
Iska daa qof ka hadlaya dan qarane qof iskii u waldamay in lagu wiirsado ayaa ah dhaqan hooseeya ee Soomaaliyeey dadka wax ma garatada ah yaan fursad loo siin inay maskaxdeenna ka adeegtaan.
AFEEF
Kama difaacayo R/wasaaraha in lagu dhaliilo wixii dhaliil noqon kara oo siyaasi haya xil qaran oo ammaan iyo dhaliilba yeelan kara ee waxaan ka hadlayo waa in isagoo ka hadlaya mawduuca sidaas u muhiimsan ee uu mudan yahay in lagu bogaadiyo in la xagxagto inay ceeb iyo cawro tahay.
Ciddii wax dhaliilaysan wax maangal ah wax haku dhaliilaan, hase yeeshee shar iyo khayrba waan kugu dhaliilayaa waa arrin iskeed u dhaliilan.