MADAXWEYNAHA OO XARIGA KA JARAY DHISMAHA XARUNTA DHEXE WASAARADA WAXBARASHADA
Iyadoo lagu guda jiro todobaadka dabaaldega sanad guurada 25-aad ee Aasaaskii Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu Xariga ka jaray Dhismaha cusub ee Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland.