Maanta oo ay Taariikh-du tahay 18/07/2023 waxaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay Guddiga Ganacsiga ee Golaha Shacabka BJFS 11aad iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada XFS.
Kulanka waxaa shir Gudoominayay Gudoomiyaha Guddiga Ganacsiga dhaqaalaha Maalagashiga iyo Warshadaha ee Golaha Shacabka BJFS Xil.Mohamed Sh.Nuur Osman oo ay weheliso Gudoomiye K/xigeenka Guddiga Xildhibaan Marwa Qaali Ali Shire iyo Xubnaha Xildhibaanada Guddiga.
Ajendaha kulan ayaa ahaa la-xisaabtanka iyo Kor-joogteynta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS.
Wasiir Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jibriil ayaa Guddiga Warbixin Guud ka siiyay howlaha baaxada leh ee hor-yaala Wasaaradda waxa uqab-soomay waxyaabaha ay hiigsanayaan iyo yoolkooda fog ee ay ku doonayaan inay ku Horumariyaan Adeegyada Ganacsiga Dalka.
Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Su'aalaha la xariiray Ganacsiga Dalka Qorsha-howleedka Wasaaradda iyo dhammaan Howlaha iyo shuruucda hor-tebinta uleh horimarinta Ganacsiga iyo dhaqaalaha Dalka.
Waxyaabaha kulanka Diirada lagu saaray aya ah
waxaa kamid ah, Horumarinta iyo kor u qaadid wax so saarka dalka
Sidoo kale Wasiirka waxaa wax laga weydiyay.
Heshiisyada iyo xidhiidhyada Calamiga ah ee ay Wasaaradu lashay mudadii ay jirtay Xukuumadu Soomaaliya Wadamada Caalamka ee aynu xidhiidhka wanaagsanee ganacsi inaga dheexeyo iyo sida ay Wasaaraddu u Maareeyso.
Dhanka kale waxaa wasiirka wax laga weydiyay tirada u qaabilsanayasha ganacsiga ee safaaradaha kuwaaso dhawaan lamagacaabay in ay wasaarada kumatalaa safaaradaha an kuleenahay dalka an Xidhiidhka Ganacsiga naga dhexeeyo.
Ayadoo uu Wasiirka ka jawaabay Dhammaan Su'aalihii ay weydiiyaan Xubnaha iyo Gudoonka Guddiga Ganacsiga ee Golaha Shacabka BJFS 11aad.
Gudoomiye Xil.Mohamed Sh. Nuur Osman ayaa aad uga Mahadcelisay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Mas'uuliyiintii la socday Asago sheegay in muhiim tahay Wadashaqeynta isla xisaabtanka iyo Kor-joogteynta ka Guddi ahaana ay wax badan ka qaban doonaan waxkasta oo ay wasaaradu uga baahato guddiga gelinta iyo Ansixinta Shuruucda Horutebinta uleh Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.