Kulan ujeedkiisa ahaa xuska shuhadadii ku geeriyotay xarunta gobolka Banaadir oo maanta lagu qabtay Garoonka kubada cagta Eng Yariisoow stadium ee magaalada Muqdisho.
Waxaana kulankaasi loo sameeyay Shuhadadii dhacdadii xanuunka badnaa ee 24-07-2019 khawaarijta ka fuliyeen Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo ay ku geeriyoodeen Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyay Guddoomiyihii Gobolka Ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, La-taliyeyaal iyo Howlwadeeno ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Xamar.
Waxaana kulaankasi kasoo qeyb galay qaar kamid ah golaha wasiirada XFS , Xildhibaano, Gudomiyaha xirirka kubada cagta, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin iyo qaar ka mid ah Ehelada Shuhadadii 24-07-2019. ayaa kasoo qeybgalay kulankan sanadlaha ah ee loogu duceenaayay shuhadada.
Kulakaasi oo ahaa mid ay ciyaar xiiso leh oo galabta ka dhaxmartay Garoon ka Eng Yariisoow labo kooxood oo labadaba uu Halyey Eng Yarisow dib u hawlgeliyay oo uu hoos-keenay laamaha dowladda ee burburkii la hor ay hoos tegi jireen.
Kooxda Madbacadda ayuu Shahiidku hawlgeliyay markii uu joogay wasaaradda Warfaafinta halka kooxda MCC uu hawlgeliyay markii uu ahaa alle ha unaxriisto eng Abdirahman omar osman Eng yiriisow guddoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada Muqdisho .
Kulkaakasi kadib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgashay oo hormuud ka u ahaa wasiirka wasaradada dhalinyaradda iyo Cayaaraha ee XFS Mohamed Bare Maxamuud iyo Gudomiyaha xirirka kubada cagta soomaliyeed Cali shiine iyagoona ku dheeraaday Taariikhda AUN. Eng. Yariisow,
Dhankale Waxa ayna qireen doorkiisa Dawlad-dhiska iyo u adeegida Shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna carabka ku dhifteen in dhacdadii xanuunka badneed ee uu ku baxay Eng. Yariisow aysan noqon doonin mid hakisa dadaalkii Dowlad-dhiska Soomaaliya, balse ay noqon doonto mid qof weliba oo Soomaaliyeed ku dhiirisa in uu ka qeyb qaato Dowlad-dhiska iyo dagaalka ka kahortaga kooxda arxan laawasha ah ee Al-shabaaab