Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Hirshabelle Mudane Saciid Saalah ayaa dhagax dhigeen Dib u dayactirka Ceelbiyoodka Ceel Siyaad Degmada Aadan-Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe
Dhagaxdhiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Maamulka Degmada Aadanyabaal iyo Odoyaasha Degmada
Guddoomiyaha Gobolka Mudane Axmed Meyre ayaa sheegay in Maamulka u taaganyahay sidii Degmooyinkii iyo Deegaanadii la xureeyey looga hirgalin lahaa Adeegyada muhiimka ay u baahanyihiin Bulshada sida waxbarashada cafimaadka iyo in la helo biyo nadiif ah.
-DHAMAAD-