Waa markii ugu horreysay oo aan caddaalad dareemay
Sidaasi waxaa yiri Macallin Cabdullaahi oo lugaha naafa ka ah isla markaana kamid ahaa Macallimiintii tartanka ku soo baxay ee Maanta aan kula kulannay Xarunta Tababarka Macallimiinta Galmudug ee Dhuusamareeb.
Wasiir Faarax ayaa sheegay in Naafannimada dhabta ah ay tahay midda maskaxda qofka uga dhacdo, waxa uuna Macallin Cabdullaahi ku dhiirri galiyey in uu ka guuleystay dad badan oo laxaadkoodu u dhameystiranyihiin oo tartanka ku haray.