Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Ahmed Hagar ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay Arrimaha amniga Magaalada beledweyne.
Kulankaan oo uu goob-joog ka ahaa Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Sufuroow, Saraakiisha Booliiska Hirshabeelle iyo Saraakiisha Ciidamada ATMIS ee Secter 4 iyadoo kulankaan diirada lagu saaray xaqiijinta Nabadgalyada Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa faray Hay'addaha Amaanka iyo Ciidanka Atmis inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudane Sufuroow, Masuuliyad adagna ay iska saaraan amniga si loo xoojiyo xasiloonida iyo guud ahaan Nabada Magaalada Beledweyne.
Mahadsanidiin.