Gudoomiyaha Cusub Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa maanta Gudoomiyay kulan an caadi eheyn oo ay iskugu yimaadeen Maamulka Gobolka, kan Degmooyinka iyo Qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Amaanka Magaalada Beledweyne.
Kulanka oo looga hadlyay Adkeeynta amaanka, dardargalinta howlgalada ka socda Gobolka iyo wada-shaqeyn xoogan oo dhaxmarta Gudoomiyaha Gobolka iyo Maamulka intiisa kale ayaa dhacay Xarunta Gobolka ee Magaladda Baladweyne,
Kulankaaan waxaa sidoo kale ka qeybgalay Isku-duwaha Wasaaradda Hirshabelle ee Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Baladweyne, Jalalaqsi, Maxaas, Moqokori,Farlibaax, Halgan iyo Mayarka Magaalada Beledweyne.
Mahadsanidiin