Ciidanka xoogga dalka ee Gor Gor ayaa maanta biyo dhaamin u sameeyay qaar ka mid ah qoysaskii ay Khawaarijta Al-Shabaab ka soo barakicisay tuulooyin hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Biyo-dhaamintaan ay geesiyaasha qaranku u sameeyeen shacabka ku nool tuulooyinka hareeraha ka xiga Galcad ayaa socotay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.