MADAXWEYNE CALI GUUDLAAWE OO DEEGAANKA GUULANE KULA HADLAY BOQOLAAL DADWEYNE AH.
Guulane: 08, Sabteembar, 2023: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabul lagu ciribtirayo Kooxda Khawaarijta ah ee shabaab ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Guulane.
Madaxweynaha oo socdaalkaan booqashada ah ay ku wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXDS Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale ayaa jeedkoodu ahaa abaabul bulsho oo ka dhan ah Cadowga Khawaarijta ah ee alshabaab.
Madaxweynaha oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay deegaanka Guulane ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay wajaheen khawaarijta isagoo markale ugu baaqay inay usoo baxaan dhameystirta iyo baabi'inta cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.