Ururada 7aad iyo 9aad, guutada 18aad ee kumaandooska GorGor ayaa howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degaanada Ceel-xaaji iyo ceel-dhiigtaar oo Hoostaga Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxaa ay ku fashiliyeen dhagar Bulshada Soomaaliyeed uu cadowga Khawaarijtu la damacsanaa.
Taliyaha ururka 7 aad ee kumaanooska GorGor Dhamme Mahad Imaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan oo lagu baacsanayo haraadiga Khawaarijta isla markaana lagu soo saaray Miinooyin ay khawaarijta ku aaseen wadooyinka ay isticmaalaan dadka Shacabka ah.