Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Muxiyidiin Mukhtaar Macalin, oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyadda DG Hirshabeelle, mudane C/Raxiin Ciisa Caddow, iyo lataliyaha sare ee madaxweynaha, mudane Yaxye Call Hareeri, ayaa booqday, xariga na ka jaray dhismaha isbitaalka degmada Ceel Baraf.
Wafdiga ayaa kulan la qaatay maamulka degmada iyo waxgaradka, ayaga oo u kuurgalay baahiyaha caafimaad ee ka jira degmada. Wafdiga ayaa sidoo kale indha indheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee isbitaalka iyo howlaha ka socda.