Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan ,Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada,Dib-uhishiisiinta iyo Arimaha Gudaha Hirshabelle ayaa Deeq Raashiin iyo Xoolo Nool kala wareegay Odoyaasha Dhaqanka Beesha Galmaax oo ay ugu talagaleen iney ugu qeybqaatan gogosha nabadeed ee taala Deegaanka Burka Dirimeed ee Gobolka Shabellaha Dhexe
Shirka dib u hishiisinta Beelaha walaalaha ee ku dagaalamay Deegaano iyo Tuulooyin hoosyimaada Degmooyinka Cadalle iyo Ragacelle ayaa hada maraya meel wanagsan waxaana shirka goobjoog ah Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Dowladii kumeel gaarka aheed ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.